
Ururka Alshabaab ayaa sheegay inuusan marnaba wax wada hadal ah la galidoonin dowladda federalka Soomaaliya, taas bedddelkeedna ay qorshaynayaan inay la wareegayaan xukunka dalka.
Hoggaamiye ku xigeenka ururka Alshabab, Cabdiraxmaan Maxamed Warsame oo loo yaqaano Mahad Karate, ayaa hadalkaan sheegay, kadib markii wareysigii ugu horreeyay uu siiyay warbaahinta Channel 4 ee laga leeyahay UK.
Dhowaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu wada hadal la furidoono Alshabaab, kadib marka ay dowladdiisa hoos u dhigto awoodda ay kooxdu haatan leedahay.
Mahad Karate oo Maraykanku uu dul dhigay shan million oo dollar, ayaa sheegay inaysan dowlad ka aaminsanayn dowladda Soomaaliya ee hadda ka jirta, wuxuuna sida uu aaminsan yahay sheegay inaysan wada hadal la galayn dowlad kasoo horjeeda shareecadda Islaamka.
Mahad Karate ayaa ku eedeysan inuu door muhiim ah ka qaatay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii. Marka laga soo tago taas, weeraro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah, ayaa la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay.