
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay matalaan.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee dibadda iyo Jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cali Nuur.
Kulanka ayaa imanaya ayada oo la filayo in madaxweynaha uu isbeddelo ku sameeyo qaar ka mid ah safiirada, islamarkaana soo magacaabo safiiro cusub, sida caadada ka ah siyaasadda Soomaaliya.
Damo jadiid maxay ka yirahdeen midnimada umada somaliyeed markey arken oo ay maqleen wixii ka dhacay neyrobi iyo barlamanka df dhexdiisa?
Comments are closed.