Gudoomiyaha gobolka banaadir oo maanta xafiiskiisa kula kulmey wefdi ka socda hey’ada WHO iyo hey’ada UNICEF

0
272

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO iyo Hey’adda UNICEF oo uu hogaaminayay Madaxa hey’adda u qaabilsan Barig iyo Bartamaha Afric Mr. Xasan Qumural.

Cumar Filish iyo madaxda Hey’adda WHO ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa horumarinta adeegyada Caafimaadka gobolka Banaadir oo haatan ay si buuxda ula wareegtay Dowlada Hoose ee Xamar, iyadoo kulankan ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Caafimaadka gobolka Banaadir iyo Agaasimaha guud ee arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

Madaxa hey’adda Caafimaadka u qaabilsan Barig iyo Bartamaha Afric Mr. Xasan Qumural ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dhinac Talaalka sida Dabeesha, Jadeecada, Qaaxada, Nafaqa la’aanta iyo COVID-19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu mahadceliyay Hey’addaha WHO iyo UNICEF garab istaaga ay u muujiyeen maamulkiisa muda uu xafiiska joogay.