Kulanka wadatashiga qaranka oo maanta lagu wado in lagu soo gabagabeeyo magalada muqdisho

0
363

Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka golaha wadatashga qaranka ee Shalay ka furmay gudaha madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkaan wadatashiga qaran oo uu shir guddoominaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah mid looga arinsanaayo arrimaha dib u heshiisiinta, amaanka, wada shaqeynta, doorashooyinka, qabyo tirka Dastuurka, Wax ka qabashada Abaarta iyo qodobo kale sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Galinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in shirka golaha wadatashiga Qaranka ee shalay furmay laga soo saaro war murtiyeed lagu cadeynayo qodobada ay ku heshiiyaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkaan wadatashiga Qaran ayaa noqonaya shirkii labaad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Madaxweynaha dib loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.