Shirka golaha wadatashiga qaranka oo maanta ka furmey magalada muqdisho

0
308

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa iney wada-shaqeynta wanaagsan dhex marto maamulada heer Federaal iyo heer Maamul-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doonaan dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Maamul-Goboleedyada, Jubbaland, Koonfur, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.