Qaraxyo xaley ka dhacay magalada muqdisho

0
661

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo xalay ka kala dhacay xerada Badbaado iyo deegaanka KM13 ama Tareedisho oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Labada qarax ayaa la sheegay iney geysten khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana noocoodu ahayeen qaraxyada miinoyinka nooca dhulka lagu aaso.

Qaraxa ka dhacay deegaanka Tareedisho ayaa lala eegtay askar ka tirsaneyd ciidanka dowladda Soomaaliya oo halkaasi maraayay, halka qaraxa kale ee ka dhacay xerada Badbaado la sheegay inuu ka dhacay maqaayad shaaha laga cabo.

Labada qarax ayaa la xaqiijiyay iney geysteen khasaaraha dhimashada hal ruux iyo dhaawaca shan qof oo kale, mana jirto ilaa hada cid sheegatay qaraxyadaan xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.