
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku booriyay qurba-joogta Soomaaliyeed iyo caalamka inay kaalin ka qaataan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay inay jirto cabsi laga qabo in meelaha qaar gaajo ay ku dhufato. Wuxuu ballanqaaday inay dowladdiisa dadaal kaste ku bixin doonto sidii abaarta wax looga qaban lahaa.
Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliya ku nool ay la ildaran yihiin gaajo, halka in ka badan 200,000 oo qofna ay qarka u saaran yihiin macaluul.
Abaarta ayaa sidoo kale ku dhufatay dalalka deriska la ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo madaxweynayaashoodu ay ka mid ahaayeen madaxdii ka qeyb galaysay caleemo saarka madaxweynaha.