Madaxweynaha dalka kenya oo balan qaadey in xuduuda somaliya iyo kenya la furi doono

0
198

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u balan qaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, in uu dib u furi doono xuduudaha labada dal.

Isagoo ka hadlayay xafladdii caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheikh, Uhuru wuxuu sii ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii loo kordhin lahaa duulimaadyada Muqdisho.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in tallaabadani ay sare u qaadi doonto ganacsiga labada dal, isla markaana ay xoojin doonto dhaqaalaha labada waddan.

Uhuru ayaa shalay safray ku tagay Soomaaliya isagoo ka qeyb galay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha.