Ninkii haweeney dil ugu geystey magalada baydhaba oo meel fagaara ah lagu toogtey

0
293

Maxkamad kutaala magaalada Baydhabo ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Maxamed Axmed Xasan (Goomeey) oo ka dambeeyay dilka haweeney lagu magacaabi jiray Aamino Maxamed Cusmaan.

Ninkaan ayaa xukunkiisa dilka ah waxaa lagu fuliyay goob fagaare ah oo ay ku sugnaayeen boqolaal dadweyne ah, si ay goob joog uga noqdaan fal qisaas ah oo lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha.

Maxkamada ayaa sheegtay in ninkaan uu Mindi ku dilay haweenayda kadibna uu ku dhex riday Boosaneerka gurigiisa si aan loo arag maydkeeda, loona helin wax raad ah oo ku saabsan dilkeeda.

Booliiska koonfur Galbeed ayaa marxuumada maalmo ka hor maydkeeda kasoo saaray Boosaneerka guriga ninkaan qirtay inuu dilay, kadib baaritaan maalmo socday oo lagu guulaystay in la helo caddeymo buuxa.