
Guddiga adeegga Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saaray Jaangooyada sicirka Adeega Xajka sanadkan 1443/2022, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed ay soo saareen.
Guddiga ayaa ku jaangooyay qiimaha Xajka qarash dhan $5,230,00, kadib markii uu qiimayn ku sameeyay daruufaha iyo isbeddelada ku yimid adeegyada Xajka ee dalka Sacuudiga.
Sannadkii 2019, Dawladda Soomaaliya ayaa qiimaha lagu tago Xajka u jaan goysay in uu noqdo $3,300 kadib markii ay cabasho katimid xujayda oo sheegay in laga qaado lacago xad dhaaf ah.

