Madaxweyne Xasan sheekh oo ka hadley dhibaatada ay alshabab ku heyso koonfur galbeed

0
197

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku eedeeyay ururka Alshabaab inay dadka gobolka Baay u diideen inay wax tabcadaan, isagoo sheegay inay masuul ka yihiin inay dadku gacmahooda hoorsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo shalay booqasho ku tagay deegaanno hoos yimaada magaalada Baydhabo oo ay abaaruhu si aad ah u saameeyeen wuxuu sheegay ururka Alshabab inay dadka ku khasbeen in beer falashada gacmaha kala baxaan, haddii aysan bixin lacago.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay jidka kaliya ee Soomaaliya u furan inuu yahay in Alshabaab la iska dulqaado, si buu yiri loosoo celiyo sharafka dadka Soomaaliyeed ee ku hoos nool xukunkooda.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Baydhabo, taasoo uu kusoo gabagabeynayay socdaalkii uu ku joogay Koonfur Galbeed.