Qarax lala beegsadey taliyaha ciidanka boliiska gobolka banaadir

0
668

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay fiidkii hore lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan wadada xariirisa Muqdisho iyo Ceelasha biyaha, waxaana la xaqiijiyay in qaraxa aysan waxyeelo kasoo gaarin Taliyaha, hayeeshee qaraxa ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa oo saarna gaariga Cabdibilaha uu qaraxa qabsaday..

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxaasi lala beegsaday kolanyada gaadiidka ee galbineysay Taliye Farxaan Qaroole ayaa waxay sheegeen in qaraxa uu burburiyay mid ka mid ah gawaaridii galbineysay Taliyaha, walow aysan sheegin khasaaraha kale ee ka dhashay qaraxa.