
Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu mar kale u sharraxan yahay xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada lagusoo beegay 15 ka May oo ah maalintii la aas aasay ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Farmaajo waxaa uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahay qof aamin ah oo ilaaliya ammaanadeeda iyo hantida qaranka, wuxuuna xildhibaannada labada aqal ka codsaday inay codkooda siiyaan, si mar kale u hoggaamiyo dalka.
Qudbadii madaxweyne farmaajoayaadmoodaa iney ku yara dhow dahay qudbadii uu horey u jeediyey Xasan Sheekh Maxamuud ooo eheyd qabyo ninkeedaa dhameystira walow aan siyaasada dalka somaliya looga baran madaxweyne dib loo doorto.
