Madaxweynaha maamulka jubaland oo kulan la qaatey gudoomiyaha baarlamaanka

0
424

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka BJFS Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo dhawaan ku guulaystay xilka Gudoomiyaha golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay isagoo la wadaagay Sida shacabka Jubbaland iyo Bulshada Soomaaliyeedba ay ugu riyaaqeen doorashadiisa.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu Gudoomiyaha uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland si dadka gobolka gedo ayna uga harin doorashooyinka guud ee dalka.