
Dowladda Mareynkanka ayaa warbixin cusub kasoo saartay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu beegsado dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay yaraatay warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weeraradaasi, kadib markii hoos loo dhigay adeegsiga duqeymaha.
Warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan muddo hal sano ah.
Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu laba jibaarayo taageerada iyo garab istaago uu markasta u muujiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
