Madaxweynihii hore ee somaliya oo noqdey musharixii ugu horeeyey ee isdiiwaan geliya

0
329

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan galinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaan galiya ayaa waxaa noqday madaxweynahii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markale doonaya inuu noqdo madaxweynaha dalka ee afarta sano ee soo socota 2022- 2026.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaatay shahaadada Musharaxnimo ee doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay is diiwaan galiyaan Musharaxiin kale oo u taagan tartanka doorashada madaxweynaha dalka.