Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatey siihayaha safaarada norwey ee somaliya

0
388

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaha safaaradda Norway ee dalkeenna Haakon Svane, iyo wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya marwo Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Dowladda Norway ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka oo dhawaan Golaha Shacabka ay ku doorteen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay doorka Wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.