Gudoomiyaha baarlamaanka oo howgiisa kulan kula qaatey ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey

0
103

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho oo Guddoomiyaha la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday dowladaha C6+.

Marwo Anita Kiki ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahad celiyay Anita Kiki Gbeho kaalinteeda ku aadan taageerada Qaramada midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha doorashooyinka.