Reysulwasaaraha oo sheegay in xaalada adag ee uu dalku ku jiro looga gudbi karo doorasho lawada ogal yahay

0
209

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee uu dalka ku jiro in looga samata bixi karo doorasho heshiis lagu yahay oo ka dhacda dalka.

Rooble ayaa sheegay in dalka waxa uu u wada xayiran yahay ay tahay dooraahada hadii aysan doorasho dhicina uu dalka galayo xaalad mugdi ah, isagoona sheegay iney ka go’an tahay hirgelinta doorasho heshiis lagu yahay.

Waxuu intaasi ku daray Raysal wasaaraha Soomaaliya in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka dhacdo doorasho, isago carabka ku dhuftay ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya, isagoona faray wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Xukuumadda iney ka shaqeyaan xaqiijinta amniga dalka.