
Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa ka xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah Laamaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahansanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda, waxa uuna faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee Gobolka Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan.