Maamulka puntland oo war kasoo saarey dagaalka ka socda magalada bosaaso

0
272

Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal kasoo saartay dagaalka ka socda Magalada Boosaaso, iyaga oo ku eedeeyay in Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF in uu hurinaayo Colaada Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in si loo dhiirigeliyo sidii xal nabadeed loogu dhammeyn lahaa xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF inay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, ayna qaadayaan tallaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.