
Weerar ka dhacay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lala beegsaday guddoomiyihii Maxkamadda degmadaas Sheekh Manuur Sheekh Yuusuf.
Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in bartamaha degmada Buurhakaba ay ku toogteen guddoomiyaha Maxkamadda degmada Buurhakaba, in kastoo faah faahin dheeraad ah laga bixin.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Buurhakaba weli kama hadlin falkaas, hayeeshee warar ay heshay Risaala ayaa sheegaya in uu jiro weerarka lagu dilay guddoomiyaha Maxkamadda degmada Buurhakaba.