Dagaal maanta markale dib uga bilowdey magalada boosaaso

0
133

Dagaal xooggan ayaa aroornimadii hore ee saakay mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso, gaar ahaan goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada amniga Puntland iyo kuwa PSF.

Dadweynaha magaalada Boosaaso ayaa ku waaberiistay daryanka hubka daran-doorriga u dhaca oo ay labada dhinac is waydaarsanayaan, welina lama hubo khasaaraha uu dhaliyey.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo shalay dib ugusoo laabtay magaalada Garowe uu amar ku bixiyay in ay ciiddanka Puntland soo afjaraan howlgalka Boosaaso.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, waxaana xaafaddaha dagaalku ka socdo ka bilowday barakac aad u ballaaran.