Wasiiru dowlaha wasarada howlaha guud oo ka jawaabay eedeyn ka soo yeertey taliyaha ciidamada bada

0
209

Taliyaha ciidamada badda Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa maalintii shaley video muqaal ah oo uu siiiyey warbaahinta ku sheegay masuuliyin uuku jiro reysulwasaare Rooble in ay damacsan yihiin inay dhistaan dhulka ayleedahay ciidamada bada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe” ayaa sheegay in eedaynta taliyaha ciidanka badda ay ku noqotay “argagax”.

Bashiir Goobe oo isna la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa sheegay in anshaxa ciidamada aysan ku jirin in sarkaal darajo ciidan leh uu warbaahinta ka eedeeyo madaxda qaranka.

Waxa uu sheegay in ogaanshihiisa dhulkaasi aanu ahayn dhul ciidan. Waxa uu sheegay in dhulkaasi yahay dhul “yar” oo u dhexeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga.