Reysulwasaare Rooble oo shegey inuu wax ka qaban doono cabashada doorashooyinka

0
131

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in mar walba ay soo gaarto cabasho la xiriirta Arrimaha doorashooyinka, taas oo uga timaada Musharrixiinta iyo Xubno kamid ah Wakiilada Beesha caalamka.

Wuxuu si cad u sheegay in doorasho kasta ay leedahay cabasho sax iyo been midkii ay doonto ha aahaatee, balse ka Xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay xaliyaan cabashada ha ahaadaan kuwa ka imaanaya musharrixiinta iyo cid kasta oo tabasho qabta.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha ugu dambeyn sheegay in doorashooyinka ay soo maraan marxalado kala duwan balse loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa si doorashada ay ku qabsoonto sidii loogu talo galay.