Reysulwasaare Rooble oo xilka ka qaadey qaar ka tirsan gudiga xalinta khilaafaadka

0
284

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray goordhaw waxa uu xilalkii kaga qaaday xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Wareegtada xilka qaadista xubnahan ayaa lagu sheegay in xubnahan xilkii lagu aaminay ay u isticmaaleeen ujeedooyin ka duwan sidii loo baahna ayna baal mareen anshaxa xeerka doorashada, islamarkaana ay ku dhex milmeen siyaasadda.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah guddoomiyahii guddiga Xuseen Maxamed Maxamuud, Axmed Saciid Samatar, Maxamed Faarax Xirsi, Nimco Axmed Cabdi, Cali Maxamed Faarax,Maxamed Ciise Heybe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cali.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalkaasi waxa uu u magacaabay xubno cusub oo guddiga khilaafaadka ah Ismaaciil Maxamed Axmed, Fardowsa Mataan Buulle, Ayaanle Axmed Cabdulle, Bashiir Axmed Yuusuf, Xasan Axmed Dhicisow, Maxamed Cawil Warsame iyo Axmed Barre Maxamed.