Kulankii Axmed Madoobe iyo Laftagareen oo kasoo baxay warsaxaafadeed

0
149

Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa ay Warmurtiyeed kasoo saareen kulamadii ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Warmurtiyeedka ayaa lagu qorey qodobadi ay ka wada hadleen labada Hogaamiye, kuwaas oo kala ah, Abaaraha, Amniga, Horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga isdhex-galka Bulshada, xoojinta Hanaanka Federaalka & Arrimaha doorashoyinka.