Hogaaamiyaha xisbiga wadajir oo eedeyn usoo jeediyey golaha wadatashiga qaranka

0
128

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay golaha wadatashiga qaran in ay heshiis ku yihiin boobka doorashada kuraasta aqalka hoose.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdirashakuur ayaa sheegay in si cad loo diiday in habraaca doorashada wax laga beddelo, oo la tixgaliyo sida uu sheegay cabashada kasoo yeeraysa qabaa’ilada kuraastooda loo boobayo cid gaar ah oo taabacsan Villa Somalia.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in maamulada qaar ay doorashada u boobayaan in ay iyaga musharraxiin yihiin, halka qaar kalena uu tilmaamay in ay u boobayaan madaxweyne Farmaajo si mar kale loosoo doorto

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir wuxuu sidoo kale sheegay, haddii guddiga xallinta khilaafaadku ay sii daayeen kursiga taliye Yaasiin Fareey in aanay wax rajo ah oo dambe ka qabin kuraasta lagu muransan yahay in dariiq sax ah ay maraan.