
Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya (SHF), taasoo ka dhigan in uu Jarmalku sannadkan dhaqaale dhan 64 milyan oo Yuuro uu ku bixiyay gargaarka arrimaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.
Lacagtan ayaa lagu caawin doonaa dadka si ay ula tacaalaan xaaladaha abaareed ee isasoo taraya. Ku dhawaaqista taageeradan ayaa daba socotay lacag kale oo dhan 7 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay hawlaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP).
Jarmalku wuxuu sheegay inuu sii wadayo inuu garab istaago Soomaaliya iyo dadkeeda si loo maareeyo abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha sida ugu macquulsan.
