
Dowladda Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka ka socda dalka ee 2021, taas oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey.
Mareykanka ayaa si gaar ah farriin ugu diray madax goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday inay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka dalka.
Qoraalkan oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay in xilligeeda lagu qabto doorashada oo aysan dib u dhicin markale.
Horay Mareykanka ayaa qoraallo is daba joog ah uga soo saaray xaaladda doorashooyinka, wuxuuna jiray farriimo hore oo uu u diray hoggaamiyeyaasha maamullada dalka.