
Guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed ee Jubbaland, ayaa si rasmi ah u shaaciyay qabashada doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan deegaannada Jubaland.
Waa kuraastii ugu badnayd ee doorashadooda la qabanayo, inkastoo maamulka Jubbaland uusan sheegin taariikhda doorashada iyo in kuraasta isku maalin doorashadooda ay qabsoomayso.
