
Guddiga hirgelinta doorashada kuraasta Golaha Shacabka Beelaha Banaadiriga ayaa ku dhawaaqay qabashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu dooranaayo magaalada Muqdisho.
Kuraasta la shacaiyay in la qabanaayo doorashadooda ayaa kala ah, HOP 105, HOP 265, HOP266, HOP 034, HOP 084, waxaana kuraastaasi afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Jeylaano Nuur Iikar, Lufti Sheekh Maxamed Cumar, Biibi Khaliif Maxamed, Khaalid Macoow Cabduqaadir iyo Fahma Axmed Nuur.
