
Danjijaha Midowga Boqortooyada Ingiriiska Marwo Kate Foster ayaa Xafiiska Safaarada Dalka Ingiriiska ee Muqdisho kulan kula qaadatay Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Xallinta Khilaafaadka Maxamed Ibraahin Barre iyo Axmed Yuusuf oo ah xubin ka mid ah Guddiga.
Kulanka ayaa lagu lafaguray caqabada horyaala Doorashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa daahfurnaanta iyo kalsoonida Doorashada.
Qodobada aadka loogu dheeraaday ayaa ahaa sida habracaayda Cabashooyinka Doorashada loogu mili lahaa meertada doorashada. Shaacinta Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah ee xulaya ergada marka la joogo meertada koowaad Doorashada Dadban ee 2020/2021 ayaa hoosta laga xariiqay inay waxtar u tahay hufnaanta Doorashada.
Sidoo kale, Xaqiijinta Ergada iyo in Cabashooyinka la siiyo muddo lagu soo gudbisan karo dacwadaha ayaa loo garawsaday inay muhiim u tahay Daahfurnaanta Doorashada. Shaacinta Liiska musharixiinta iyo in dacwadaha doorashada ee lagu soo xareeyo mudooyinka loo asteeyay ayaa la isla gartay inay keeni karto hanaan garnaqsi oo hufan.