Wareegii koowaad ee doorashada ka socota jowhar oo lasoo gabagabeeyey

0
90

Waxaa lasoo gaba gabeeyey wareegii koobaad doorashadii ka socotay Magalaada Jowhar kursiga koobaad ee golaha Aqalka sare iyadoo maqribkii kadib ay doorashada bilaabatay muddo la is hayey.

Xasan Cadaay,C/llaahi Sheekh Xasan,Axmed Daaci iyo Muuse Suudi ayaana ku tartamayey kursigaan iyadoo la hor istaagay in si fudud uu ugu guuleysto kursigaasi Senetor Muuse Suudi Yalaxoow.

XAJI MUSE 51 COD.
AXMED DAACI 28
C/LAHI SH XASAN 15
DR CADAAY 2

Iyadoo labo cod ay halaabeen
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle C/xakiin Luqmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo shaaciyey in wareeg labaad ay u gudbeen seddexda murashax ugu codka badnaa, balse waxaa ka haray Cabdullahi Sheekh Xasan oo sheegay inuu tanaasulay.