Magaalada jowhar oo maanta la filaayo inay ka bilaabato doorasharada aqalka sare

0
148

Waxaa goordhaw lagu wadaa maanta oo talaado in si rasmi ah magaalada Jowhar ay uga bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya dowlad goboleedka Hirshabeelle.

27 Musharax ayaa u taagan iney ku tartamaan 8 kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare kuwaas oo shalay Baarlamaanka Hirshabeelle ka hor jeediyay khudbadahooda Musharaxnimo oo ay kusoo bandhigayeen mid walba waxyaabaha uu qaban doono hadii ay guuleeysto.

Magacyada 27 Musharax ee Maanta iyo Beri Tartami doono ayaa kala ah.

  1. Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Xasan Cadow Daaci, Dr. Xasan Cadaay Cali
  2. Maxamed Amiiin Sheekh Cusmaan, Daaha Muhudiin Sheekh Daa’uud, Axmed Maxamed Cal (Afcadeey), Yussuf Macallin Xasan (Filla-Dheere)
  3. Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), Raage Xasan Cusmaan (Xuut), Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)
  4. Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun, Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)
  5. Call Shacbaan Ibraahim, C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir, Cabdullahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar
  6. Cabdalle Cabdi Xuseen, Xasan lidow Muxumed Kobac, Cusmaan Axmed Macow, Cabdinuur Ibraahim Nuur
  7. Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama, Sacdlya Yarrow Aadan
  8. Nacimo Ibraahim Yuusuf, Zamzam Cabdullahi
    Xuseen, Maxamed Macallin Xasan Kulmiye, Abuukar Xasan Call Maqaneey

Doorashadaan maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar ayaa waxaa goobjoogayaal ka ah xubno ka tirsan guddiyada doorashada heer fedaraal iyo heer maamul goboleed kuwaas oo dhankooda sheegay in doorashadaan ay tahay mid si cadaalad ah lagu soo xulay si cadaalad ahna ku dhici doonto.