
Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyrtay guddi baaritaan oo uu xalay u magacaabay madaxweyne Farmaajo kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil ee horay khilaafka culus uga dhex abuuray Farmaajo iyo Rooble.
Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan ayaa sheegtay in guddiga uu Farmaajo magacaabay uu yahay mid aan waxba ka jirin oo aysan wax rajo ah ka sugeynin dadkii dhibaateeyay gabadheeda sida ay hadalka u dhigtay hooyo Qaali.
Gabagabadii Hooyo Qaali Maxamuud ayaa sidoo kale uga digtay Xildhibaan Cabdishakuur Mire iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere inay faraha kala baxaan Kiiska gabadheeda Ikraan Tahliil Faarax.
Tan iyo markii hay’adda NISA ay shaacisay bilowgii bishaan geerida Ikraan Tahliil oo ay sheegeen iney Shabaab u gacan gashay oo ay dileen, Al-shabaabna iska fogeeyeen dilka gabadhaasi, waxaa uu kiiska Ikraan noqday mid jahwareer culus ka dhex abuurtay Farmaajo iyo Rooble.