
Ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamo kala duwan oo ay la qaatay madaxda dalka, sida Farmaajo, Raysal wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka, inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah aysan ka bixin kulankii ay la qaadatay Farmaajo.
War qoraal ah oo ay ka soo saartay kulankii ay la qaadatay Rooble iyo madaxda wadatashiga qaran ayay ku sheegtay in masuuliyiinta ay u muujiyeen hogaamin wanaagsan iyo iney ka go’antay sidii loo hormarin lahaa doorka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasada ku jira iyo dhimista lacagta laga qaadayo haweenka Musharaxiinta ka midka ah.
Waxay sido kale ka hadashay Amina Jane arrinta Ikraan Tahliil oo sheegtay in muhiim ay tahay in Ikraan hesho Cadaalad si looga hortago wax kasta oo xadgudub ku ah xaquuqda haweenka oo dhan.
“Waxaan ku kalsoonahay hoggaanka Soomaaliya inay dejiyaan xiisad kasta ayna ka fogaadaan talaabo horseedi karta rabshado oo dib u dhac ku keeni karta doorashada ama wiiqi karta kalsoonideeda”ayay tiri Amina Jane Mohamed ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay.