Aqriso magacyada musharixiinta aqalka sare ee maamulka hirshabeele

0
169

Waxaa la soo gabagabeeyay is diiwaangelinta muasharraxiinta Aqalka sare ee dowlad goboleedka Hir-Shabelle oo seddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socotay magaalada Jowhar.

Gudigga hirgelinta doorashooyinka Hir-Shabelle ayaa sheegay in 27 Musharrax ay si rasmi ah isku diiwaangeliyeen, kuwaas oo ku tartami doona 8-da Kursi ee taalla Hirshabelle.

Maanta oo Isniin ah musharaxiinta ayaa Baarlamanka Hir-Shabelle ka jeedin doona khudbadahooda ku aadan ololaha doorashada, iyadoo maalinta talaadada ahna ay bilaaban doonto doorashada oo socon doonta muddo 3 cisho ah sida lagu xusay jadwalka ay horey u soo saareen guddiga doorashada Hirshabelle.