
Magaalada Muqdisho waxaa Maanta soo gaartay wafdi ay hoggaamineyso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey, kuwaas oo siweyn loo soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay kula kulmayaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlaya arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed.