
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa amar ku bixiyay in aan wax kharash ah laga bixin karin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan ogolaansho laga heeysan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Qoraal loo diray Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka hore mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha.
