
Shirkii lagu dhexdhexaadinaayay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ayaa saacado badan kadib Xalay waqti dambe kusoo idlaaday natiijo la’aan.
Madaxda ugu sareysa dalka ayaa la sheegay iney isku mari waayeen qodobada kala ahaa in kiiska Ikraan Tahliil baaritaan dhab ah lagu sameeyo loona madax banaaneeyo hay’addaha cadaalada iyo arrinta NISA oo mid walba uu doonayay iney hirgasho magacabistii uu sameeyay.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in markii dambe Farmaajo uu ka dalbaday madaxdii dhexdhexaadineysay in isaga iyo Rooble kaliya isu dhaafaan, walow kulankoodii gaarka ahaana saacado kadib uu isna kusoo dhamaaday natiijo la’aan.
Ismari waaga labada masuul ayaa loo sababeeyay in mid walba uu mowqifkiisa ku adkeystay, taasoo keentay in kulamadii lagu dhex dhexaadinaayay ay noqdaan kuwa aanan kasoo bixin wax natiijo ah.