
Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed & Ciidanka Jabuuti ee katirsan AMISOM ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan labadii maleeshiyo Beeleed ee dhawaan ku dagaalamay degaanka Kabxanleey ee duleedka Waqooyi ee Magaalada Beledweyne.
Ciidamada oo ka baxay Magaalada Beledweyne ayaa, iyaga oo ay wehlinayeen Odayaasha Dhaqanka labada Beeleed waxaa ay markii hore ku guuleysteen inay xabada joojiyaan, sidoo kalena ay kala qaadaan labada maleeshiyo Beeleed.
Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa sheegay in haatan degaannadii lagu dagaalamay ay si buuxda ammaankooda u sugayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan kulamo lagu heshiisiinayo laba beelood si looga baaqsado dagaalada kusoo laab laabtay degaannada Kabxanleey iyo Deefow ee Gobolka Hiiraan.