
Webiga shabeele ayaa xaley ku fatahay Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne e Xarunta Gobolka Hiiraan kadib markii Wabiga uu keenay biyo aad u fara badan.
Goob joogayaal ku sugan magalada beledweyne ayaa wwarbaahinta waxaa ay u sheegeen in Wabiga uu fatahaada ka sameeyay Xaafada dhagax jibis qeybo kamid ah, isla markaana ay aminsan yihiin in Biyaha dad mas’uuliyiin ah ay fureen.
Bilihii la soo dhaafay ayaa Guddiga fatahaadaha Magalada Beledweyne waxaa ay wadeen dadaalo ay uga hortagayaan fatahaada, iyaga oo bilaabay dhismaha Biyo Xireeno iyo Kiliyaal si uusan u fatahin Wabiga.
Qaar kamid ah dadka ku nool Xaafada dhagax jibis ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay bilaabeen inay ka barakacaan kadib markii qeybo kamid ah Xafada uu Wabiga ka fatahay ayna ka cabsi qabaan in uu markale fataho.