Shirka golaha wadatashiga arimaha doorashooyinka oo galey maalintii labaad

0
106

Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii Labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay shalay markii uu kulanku soo dhamaaday waxa wuu yiri “Waxaa si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha DG & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahad celinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.

Kulankii shalay ayaa kaliya ahaa mid is arag ah, hayeeshee waxaa la filayaa in Maanta dhinacyada ay guda galaan caqabadaha heysta doorashada Soomaliya, sida Arrimaha Gobolka Gedo iyo doorashada kuraasta gobolada Waqooyi, iyada oo saldhig looga dhigayo heshiiskii 17-kii Werptember iyo kii Gudiyada farsamo ku gareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Markii la so geba-gabeeyo Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DF ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan heshiiska doorashada Soomaaliya.