Reysulwasaare ku xigeenka oo ka jawaabtey hadal kasoo yeeray musharixiinta madaxweynaha

0
102

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa diiday guddiga doorashooyinka ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ay sidoo kale si cad uga soo horjeesteen xubnaha dowlad goboleedyada qaarkood ay ku dhawaaqeen ee guddiga doorashooyinka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka jawaabay eedeynta Musharaxiinta , waxaana uu sheegay in uu la yaabay eedeynta ay u soo jeediyeen Musharaxiinta.

Mahdi Guuleed ayaa difaacay qaabka lagu soo xulay guddiga doorashada ee gobolada waqooyi kuraastooda maamuli doona.

Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.