
Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul goboleedka Galmudug.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Sinna-Dhaqo.
Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Galmudug oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.