
Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka Tigray halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dagaallamayay muddo ku dhaw toddobaad.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Itoobiya in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.
Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay dadaallo kasta oo lagu xallinayo khilaafka u dhexeeye ismaamulka tigreega iyo dowlada dhexe ee itoobiya
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay in howgalka militeri uu usii socon doono qaabkii loo qorsheeyey tan iyo inta hub ka dhigis looga sameynayo dagaalyahanada daacadda u ah TPLF.