
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Maalinta berri ayaa lagu waddaa in Jowhar ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku xigeenkiisa.
Maxamed Maxamuud Cabdule Musharax Madaxweyne Kuxigeen Hirshabeele
Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Musharax Madaxweyne Kuxigeen Hirshabeele
Cali Guudlaawe Xuseen Musharax Madaxweynaha Hirshabeele
C/raxmaan Jimcaale Cismaan Musharax Madaxweyne Hirshabeele
Dadka falanqeeya ayaa sheegay in doorashadani ay tahay mid iska macmal ah maadaama la ogyahay ninka kusoo bixi doona xilka madaxweynaha oo ah Maxamed Maxamuud Cabdule