Wefdi Kasocda Dowlada Talyaaniga iyo Hey’ada Cunada aduunka oo gaaray magalada Hobyo

0
70

Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Talyaaniga iyo hay’adda cunnada u qaabilsan QM ee WFP ayaa maanta gaaray magaalada Hubyo ee gobolka Mudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey wasiirka dekedaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Mudane Cabdi-Saabir Nuur Shuuriye.

Wararka ayaa sheegaya in jeedka wafdigan uu yahay in ay dhagax dhigaan deked macmal ah oo laga dhisayo magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Dhaqaalaha ku baxaya dekeddan oo si KMG u sii shaqeyn doonto inta laga dhisayo dekedda rasmiga ah ee Hobyo ayaa waxaa bixinya cunnada adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo WFP, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Galmudug ayaa ku dadaaleysa sidii ay u horumarin laheyd dhaqaalaheeda, iyada oo laga faa’iideysanayo dhismaha dekedda Hubyo oo muhiim gobollada Galgaduud & Mudug.