Mamulka Hirshabeele oo cambareeyey falkii ka dhacay degmada warsheekh

0
89

Sii hayaha Xilka Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa cambaareeyay falkii lagu dilay dadka rayidka ahaa ee xalay ka dhacay degaanka Xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Gurigooda ugu tagay dad isku qoyska ah oo ku noolaa Tuulada Xaluule oo hoostagta degmada warsheekh, iyaga oo dilay Hooyo Umul kujirtay iyo laba Carruur ah oo ay dhashay, halka ay dhaawaceen haweeney qoyska kamid aheyd & Wiil 5-sano jir ah.

Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay Maamulka degmada, Odayaasha, iyo Culimaa’udiinka inay arrintaas u istaagaan ka hortaggeeda iyo xalinteeda, isagoo uga tacsiyadeeyay qoyska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii sida arxan darrada ah loo dilay.

Sidoo kale Ciidamada Amniga ayuu ugu baaqay inay si degdeg ah ugu baxaan deegaanka ay ka dhacday dhibaatadaas, kooxihii ka dambeeya gacanta lagu soo dhigo, si sharciga loo horkeeno.